Musharrax Farmaajo oo Taageeray Hawlaha ay Wadaan Dhallinyarada Ubaxa Caasimadda

Date: Thursday, January 19, 2017
La wadaag:

Musharrax Farmaajo oo Taageeray Hawlaha ay Wadaan Dhallinyarada Ubaxa Caasimadda

Dhallinyarada Ubaxa Caasimadda oo isu xilqaamay qurxinta iyo nadaafadda waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa maanta mar kale hawlo qurxin iyo nadiifin ah ka bilaabay afaafka hore ee garoonka Aadan Cabdulle Cismaan ilaa isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho si loo soo celiyo bilicda caasimadda.

Dhallinyaradan oo ku shaqeysa si iskaa wax u qabso ayaa ku hawl gala taageerada ay ka helaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed iyaga oo sheegay in ay maanta kaalmo dhaqaale ka heleen Musharrax Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kamid ah musharrixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Maxamed Tahliil Sheekh oo ah Xoghaya Guud ee dhallinyaradan ayaa sheegay in kaalmada dhaqaale ee ay maanta hawshan ku dardargeliyeen ay wax weyn ka tareyso qurxinta jidka u dhaxeeya Garoonka Aadan Cabdulle ilaa Isgoyska Lambar Afar.

"Waxaan aad ugu amaanayaa Musharrax Farmaajo dhiirrigelinta uu na siiyay iyo inuu dhaqaale nagu taageeray sidii jidkan oo ah albaabka Muqdisho ay kasoo galaan dadka dibadaha ka imaanaya loo qurxin lahaa."

Maxamed Xuseen Xasan Lafoole oo ah Guddoomiyaha Ubaxa Caasimadda oo isagana la hadlay wariyeyaasha intii ay hawshan ku jireen ayaa sheegay inay ka heleen Musharrax Farmaajo dhaqaale ku filan 40 kartoon oo riinji ah, sidoo kalena ay shaqo abuur 3 maalmood ah ka heleen 6 ruux oo farsamo yaqaanno ah.

"Waxaan ka codsanaynaa musharrixiinta iyo muwaadiniinta kale ee Soomaaliyeed in ay nala fahmaan in qurxinta dalka iyo in dhir lagu beero meel walba ay tahay waajib qof walba saaran. Haddii aan isu xilqaannay hawshan waxaan idinka sugeynaa inaad nagu caawisaan sidii aan dalkeenna u qurxisan lahayn. Runtii Mudane Farmaajo waa uga mahadcelinaynaa taageerada aan hagarta lahayn ee uu na siiyay" Ayuu yiri Guddoomiyaha Ubaxa Caasimadda.

Kooxdan dhallinyarada ah oo hawlahan hore uga soo sameeyay waddooyinka halbowlaha u ah magaalada Muqdisho sida tan Makka Almukarramah ayaa sheegay in wajiga koowaad marka ay dhammeeyaan ay ku xijin doonaan dhir beeris si wadadan ay u noqoto mid muuqaal qurxoon.

Horraantii bishii 9aad ee sanadkii tagay ayay ahayd markii ay dhallinyaradaan bilaabeen olole hal milyan oo geed looga tallaalayo dalka oo idil kaasoo ay ujeedadiisu ahayd in dhir badan la beero si looga hortago xaalufinta dhirta iyo abaaraha soo noqnoqda.