Ku soo dhawoow shabakadda (Webpage) Farmaajo2016

Farmaajo 2016
Date: Sunday, August 21, 2016
La Wadaag:
Ku soo dhawoow shabakadda (Webpage) rasmiga ah ee ololaha madaxweynenimada ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxaan idiinkaga mahadcelinayaa booqashadiinna shabakadda u gaarka ah mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee loogu talogalay ololaha doorashada sanadkan 2016ka.

Fadlan halkaan ka akhri dhammaan xogta aad u baahan tahay inaad ka ogaato qorshahayga siyaasadeed, iyo kan habraaca istaraatiijiyadeed ee ku aadan sida aan qorshaynayno inaan Soomaaliya dib ugu soo celino inay mar kale lugaheeda dib ugu istaagto.

Waxaad sidoo kale fursad u heleysaa inaad ka mid noqoto socdaalkaan taariikhiga ah, aadna  ooga qaayb qaadato fikir iyo talo soo jeedin si aad u taageerto ololaha madaxweynenimo ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sida aad la socotaan, dalkeenna sooma marin marxalad uu uga baahi badan yahay is-bedel dhab ah oo dhinac kasta ah. Waxaan haysannaa fursad dahabi ah oo aan maanta ku bedeli karno xaaladda uu dalkeennu ku suganyahay.

Fadlan isdiiwaan geli haddii aad diyaar u tahay inaad ka qayb qaadato ololaha doorashada iyo did-u-dhiska dalkeenna doorashada kadib.

Fikirkiinnu waa noo muhiim. Fadlan si qoto dheer u akhri qaybaha kala duwan ee shabakadaan (Webpage), nalana soo socodsiiya talooyinkiinna, idinkoo adeegsanaya aaladda farriin-qoraalka (email).

Aad bey noo faraxad gelineysaa inaad noo soo gudbiso wixii talo iyo tusaalayn ah.

Mahadsanidiin.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo