Warsaxaafadeed

Date: Monday, January 30th, 2017
La wadaag:

Warsaxaafadeed uu soo saaray musharax madaxweeyne Farmaajo

Walaalayaal sida aad la socotaan muddo 9 cisho ah keddib waxaa dalka ka dhici doonta doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, waxaana masuuliyadaas gudashadeeda u dhaaratay oo aan ku kalsoonahay, kana sugeynaa xildhibaanadeena sharafta leh in ay waajibkaas u gudan doonaan si xambaarsan dareen qaranimo iyo mustaqbalka uu dalkeennu u jiheysan doono afarta sano ee nagu soo socota, sidaa daraadeed waxaan ka codsanayaa xildhibaanada qaranka in ay si qoto dheer uga fakaraan cidda ay ku aaminayaan masiirka umadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale waxaan fursadaan uga faa`iideysanayaa inaan ugu baaqo madaxda Dowlad Goboleedyada inay dhex-dhexaad ka noqdaan doorashada madaxtinimada ee nagu soo fool leh, ayna xoogga saaran wax ka qabashada dhibaatooyinka maamul iyo nololeed ee ka jira deegaannada qaarkood.

Waxaa nasiib daro ah inay qaar ka mid ah madaxda dowlad Gobolyeedadu isku dayayaan inay shacabka Soomaaliyeed ku qasbaan hogaamiye ku fashilmay hoggaankii iyo masuuliyadii dalka oo aan ognahay meesha uu dalka dhigay afartii sano ee lasoo dhaafay.

Ugu dambeyntii waxaan u soo jeedinayaa musharrixiinta kale dhamaantood in ay ku kalsoonaadaan 329-ka xubnood ee wakiilka ka ah shacbiga Soomaaliyeed, ayna iimaansadaan dalkooda iyo dadkooda, kuna kalsoonaadaan halkii ay taageero ka raadin lahaayeen dalal shisheeye.